DHAGEYSO:M-PESA Foundation oo 32 milyan ku maalgelisay mashaariic horumarineed

0
137

Laanta shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom u qaabilsan dhanka tabarucaadda ee M-PESA Foundation oo kaashanaysa dowladda hoose ee ismaamulka Lamu ayaa 32 milyan ku qarash gelisay mashaariic dhanka caafimaadka ah.
Barasaabka ismaamulka Lamu Issa Timamy oo arrinkan ka mahadceliyay ayaa sheegay in isbitaalka hooyooyinka iyo dhallaanka ee degmada Mokowe iyo xarunta la tacaalidda tiiraanyada maskaxeed lagu qalabeyay ugu yaraan 29 milyan.
M-pesa Foundation ayaa sidoo kale daryeel caafimaad ka fidisay isbitaalka guud ee King Fahad iyo xarunta caafimaadka ee degmada Mokowe.
Waxaa adeegyadan ku baxday 3 milyan oo shilin.
Daryeelkan oo socday ilaa saddex cishe ayay dhakhatiirta ku sameeyeen 57 qalliino ah.
Barasaabka Lamu Issa Timamy oo arrimahan ka hadlaya ayaa yiri.

Waxaa sidoo kale iskaashigan ka hadlay guddoomiyaha Safaricom Foundation Joseph Ogutu