Israa’iil oo ugu yaraan 30 qof ku dishay Qaza

0
141

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa duqeyn ay ka gaysteen xaafadda Tal al- Hawa ee magaalada Qaza ee dalka Falastiin ku dilay ugu yaraan 30 ruux.
Waxaa sidatan warbaahinta u sheegay afhayeenka waaxda difaaca rayidka ee Qaza Mahamoud Bassal.
Mas’uulkan ayaa xusay in waddooyinka Qaza lagu arkaya meydad badan oo yaalla.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, duqeymaha ay Israa’iil weli ka wado Qaza waxaa ku dhintay ugu yaraan 38,295 ruux halka la dhaawacay 88, 241 kale.