Dowladda oo sheegtay in sanad kasta ay 120 bilyan uga lunto ciriiriga isku socodka gaadiidka

0
234

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in sanad kasta ciriiriga saameeya isku socodka gaadiidka ay dowladdu ku lumiso dhaqaale dhan 120 bilyan oo shilin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dadaallada wax looga qabanaya caqabaddan ay ka mid tahay in la casriyeeyo oo la ballaariyo hannaanka marinka tareennada.
Murkomen ayaa tilmaamay in horumarka caasimadda dalka ee Nairobi uu hoos u dhigaya ciriiriga isku socodka baabuurta tani oo uu tilmaamay in ay kordhisay waxyaabaha hawada wasaqeeya ee ay baabuurta bixiyaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in wasaaradda gaadiidka ay gabagabeynaysa dhisidda 13 xarumood oo dheeraad ah oo laga raaco tareennada guud ahaan waddanka.
Wasiir Murkomen ayaa carrabka ku adkeeyay in xarumahan la furi doono 1-da bisha Tobnaad ee sanadkan.
Xarumahan waxaa ka mid ah Mlolongo , Kitengela, Lukenya , Mutindwa, Kariobangi, Kenyatta University iyo Gitambaya.
Sidoo kale wuxuu sheegay in qorshaha dowladda uu yahay in tirada rakaabka ee tareennada isticmaala oo hadda ah 20,000 oo qof in dhammaadka sanadkan la gaarsiiyo 120,000 oo ruux.