Saraakiisha militariga ee Israa’iil ayaa afar qof ku xiray magaalada Husan ee Daanta Galbeed ee la haysto ee Falastiin.
Waxaa sidatan ku warramaysa wakaaladda rasmiga ah ee wararka dowladda Falastiin ee WAFA.
Magaalada Husan ayaa u dhow Bethlehem
Sida laga soo xigtay ururka u ololeeya arrimaha maxaabiista Falastiin , tan iyo bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxaa Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus lagu xiray ugu yaraan 9,600 qof oo Falastiiniyiin ah.