Waxaa la filayaa in maanta maxkamadda Kehancha ay ka soo hormuuqdaan 25 qof oo laga qabtay deegaanka galbeedka Kuria.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu eedeyay in aynan u hoggaansamin xeerarka ay dowladdu ku xakameynayso faafidda caabuqa corona.
Taliyaha booliska ee deegaankaas Cleti Kimaiyo ayaa sheegay in 17 ka mid ah dadkan la qabtay iyaga oo aan sidan afxirka.
Mr. Kimaiyo ayaa carrabka ku dhuftay in eedeysanayaasha gacanta lagu soo dhigay ka dib howlgal ay ciidamada ammaanka ka fuliyeen wadada u dhexeysa magaalooyinka Migori iyo Isebania sidoo kale suuqa Taragwiti market.
Waxaa uu intaa ku daray in dadka kale ay socdeen ka dib xilliga bandowga habeenkii oo guud ahaan wadanka ka billowdo 10-ka habeenimo.