Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen dugsi ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseirat ee Bartamaha Qaza.
Ilo wareed ka tirsan waaxda caafimaadka ee Qaza ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in isbitaalka lagu daaweynaya dad weerarkaasi ku dhaawacmay.
Dhanka kale, bukaanka iyo shaqaalaha isbitaallada al-Ahli Arab Hospital iyo Patient’s Friends Benevolent Society Hospital ayaa halkaasi ka qaxaya.
Tani ayaa timid ka dib markii ay Israa’iil soo saartay amar kale oo daadgureyn ah oo saameynaya qaybo ka mid ah Qaza.