2 qof oo ku dhintay shilal ka dhacay Kirinyaga

0
208

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada labo ruux ka dib markii ismaamulka Kirinyaga ee gobolka Bartamaha dalka laga soo tabiyay dhacdooyin shilal ah.
Taliyaha booliiska ee galbeedka Kirinyaga Moses Koskei ayaa sheegay in shil uu ka dhacay waddada u dhexeysa Sagana iyo Kagio halka midka labaadna uu ka dhacay waddada wayn ee u dhexeysa magaalooyinka Mwea iyo Embu .
Shilka koowaad waxaa ku nafwaayay qof mooto saarnaa ka dib markii ay isku dhaceen mootada iyo baabuur marayay aagga Kahiro ee deegaanka Ndia .
Wadihii mootada ayay soo gaareen dhaawacyo culus oo dhanka madaxa ah waxaana la geeyay isbitaalka degmada Sagana ka hor inta aan loo sii gudbin isbitaalka magaalada Kerugoya.
Qofka shilka ku geeriyooday ayaa meydkiisa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee Kibugi Funeral Home ee degmada Kutus.
Shilka labaad oo ka dhacay buundada Ngurubani-Thiba ee waddada Mwea iyo Embu ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah wadayaasha dhugdhugleyda .
Ciidamada booliiska ee ismaamulka Kirinyaga ayaa weli raadinaya darawalkii kaxeynayay baabuurka jiiray wadaha mootada oo ay ciidamada saldhigga booliiska ee Wanguru ay meydkiisa geeyeen goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka magaalada Kerugoya .