Madaxweynaha dalka oo saxiixi doono hindise sharciyeedka IEBC

0
282

Waxaa uu qorshuhu yahay in abaare 9-ka subaxnimo ee maanta uu madaxweynaha waddanka William Ruto qalinka ku duugo hindise sharciyeedka sanadkan ee isbeddellada lagu sameeyay xeerka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee (IEBC).
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Xuseen Maxamad ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa hindisahan ku saxiixi doono xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
Xuseen ayaa xusay in madaxweynaha ay madashaasi ku wehelin doonaan madaxda xisbiyada siyaasadeed.
Baarlamaanka dalka ayaa hindisahan meel mariyay iyadoo lagu saleynaya talooyinkii lagu soo bandhigay warbixintii guddiga qaran ee wada hadallada ee (NADCO).
Hindisaha uu madaxweynaha dalka maanta saxiixaya ayaa isbeddello dhowr ah ku sameynaya hannaanka maareynta doorashooyinka waddanka si loo xoojiyo daahfurnaanta , waxtarka iyo isla xisaabtanka ku aaddan geeddisocodyada guddiga IEBC.
Sidoo kale waxaa uu meesha ka saaraya in guddoomiye ku xigeenka IEBC uu si ku meel gaar ah u sii hayn karo xilka guddoomiyaha guddiga haddii uu bannaanaado.
Si loo hubiyo hufnaanta doorashooyinka, waxaa uu hindisahan qasab ka dhigaya in dib loo eego maareynta doorashada guud.
Guddiga IEBC ayaa looga baahan doonaa inuu warbixin faahfaahsan soo bandhigo 18 bilood ka dib doorashada si warbixintan loogu gudbiyo baarlamaanka.
Ujeeddada arrintan laga leeyahay ayaa ah in la wanaajiyo geeddisocodyada doorashada.