DHAGEYSO:Waxgaradka Uasin Gishu oo baaq u diray dhallinyarada dalka

0
111

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta ismaamulka Uasin Gishu oo kulan ku qabtay magaalada Eldoret ayaa dhallinyarada dalka ugu baaqay in ay madaxweynaha waddanka William Ruto fursad u siiyaan inuu dhaqangeliyo talooyinka ay la wadaageen ee ku aaddan waxyaabaha ay tabanayaan.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in ay muddo qaadanaysa in la xalliyo dhammaan arrimaha ay da’yarta dalbanayaan sidaasi awgeedna laga doonaya in ay dulqaad muujiyaan.
Sidoo kale waxgaradka ayaa da’yarta ku boorriyay in ay ka waantoobaan adeegsiga rabshadaha si dalka uunan dib ugu laaban xilliyo adag oo la soo maray.

Senatarka ismaamulka Uasin Gishu Jackson Kiplagat Arap Mandago ayaa dhankiisa sheegay inuu dhallinyarada garab ku siin doono sidii ay dowladdu ugu tallaaba qaadi lahayd xallinta tabashooyinkii keenay in dalka ay ka dhacaan dibadbaxyo.