Golaha militariga ee maamulo dalka Chad ayaa meesha ka saaray bandow uu soo rogay ka dib markii la dilay madaxweynihii wadankaas Idiriis Deby.
Militariga ayaa sheegay in dibadbaxyo dhacay lagu dilay 6 qof.
20-kii bishii Afaraad ee sanadkan ayay ahayd markii bandowga habeenkii ee hadda la qaaday lagu soo rogay Chad waxaana dadka wadankaas ku nool mamnuuc ka ahayd in ay socdaan inta u dhexeysa 6-da maqribnimo ilaa 5-ta aroornimo.
Digreeto uu soo saaray afhayeenka golaha militariga Chad Azem Bermandoa Agouna ayaa lagu sheegay in bandowga la qaaday ka dib qiimeyn lagu sameeyay xaaladda amniga guud ahaan dalkaas.