Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in ay jiraan saraakiil ka howlgalo wasaaradda arrimaha gudaha ee waddanka oo carqaladeynaya dagaalka lagula jiro maandooriyaha.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nyeri ayuu sheegay in ay tahay arrin aan la rumeysan karin in shaqaale dowladeed ay si qarsoodi ah dib ugu furayaan goobaha lagu caweeyo ee la xiray.
Waxaa uu tilmaamay in howlwadeenadan ay kaashanayaan xildhibaanno.
Gachagua ayaa xusay in tani ay caqabad ku tahay horumarka maamulka madaxweyne William Ruto.
Sidoo kale waxaa uu shaqaalaha dowladda ugu baaqay in ay si ixtiraam leh ula hadlaan kenyaanka oo aynan adeegsan hadallo laga dheehan karo is waynin.