Hay’adda xuquuqul aadanaha ee Amnesty International laanteeda Kenya ayaa warbixin ay soo saartay waxay walaac kaga muujisay dilalka sharci darrada ah ee sare u kacay.
Waxay sidoo kale sheegtay in ay kordheen falalka la xiriira afduubka iyo dadka la waayo ee ay gaystaan ciidamada ammaanka.
Hay’adda ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta , wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi iyo abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai ugu baaqday in ay si fagaara ah u cambaareeyaan falalkan.
Dhanka kale koox u ololeysa xuquuqul aadanaha oo lagu magacaabo Missing Voices ayaa sheegtay in ciidamada booliska ay sanadkii 2020-kii keliya dileen ugu yaraan 157 qof oo Kenyaan ah halka 10 kale la waayay ka dib markii la xiray.