Gachagua oo bogaadiyay kulankii uu madaxweynaha dalka barta X kula yeeshay dhallinyarada

0
285

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa bogaadiyay wada sheekeysigii galinkii dambe ee Jimcaha barta X ku dhex maray madaxweyne William Ruto iyo da’yarta.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nyeri ayuu sheegay in tani ay ahayd billowga wada hadallada guud ee ku saabsan maamul wanaagga.
Waxaa uu xusay in qof waliba oo kenyaan ah uu door ku leeyahay inuu aragtidiisa ku biiriyo horumarka qaranka.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa tilmaamay inuu dhageystay wada sheekeysigii William Ruto iyo dhallinyarada oo uuna ahaa mid aad u wanaagsan.
Waxaa uu hoggaamiyaasha siyaasadeed kula taliyay in ay ku daydaan madaxweynaha oo ay wada hadal la yeeshaan dadweynaha.