Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa doonaya in baarlamaanka uu ansixiyo xeer horseedaya in dabagal lagu sameeyo hantida shaqaalaha dowladda iyo mas’uuliyiinta kala duwan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tani ay door ka qaadan karto la dagaallanka musuqmaasuqa maadaama qofka looga baahan doono inuu si joogto ah u faahfaahiyo sida uu ku helay hantida u korortay.
Murkomen ayaa hoosta ka xarriiqay in ay lagama maarmaan tahay in tallaabadan ay noqoto mid guud oo ay dhammaan mas’uuliyiinta ka siman yihiin.