Abaanduulaha booliska oo bayaan ka soo saaray muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada

0
845

Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay inuu ka war helay muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada.
Muuqaalka ayaa laga dhex arkayaa nin dhar caadi ah ku labisan oo dhibaateynaya sarkaal boolis oo ka mid ah ciidamada taraafikada.
Mr. Mutyambai ayaa xusay in baaritaano hor dhac ah oo la sameeyay ay tilmaamayaan in ninka sarkaalka dhibaateynaya uu yahay askari la shaqeeya waaxda dambi baarista ee DCI-da.