DHAGEYSO:Xildhibaanka deegaanka Nyali oo ku baaqay in la joojiyo dibadbaxyada

0
502

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Nyali ee ismaamulka Mombasa Maxamad Cali ayaa dhallinyarada kenyaanka ah ku boorriyay in ay joojiyaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda ee ay wadaan toddobaadkii saddexaad.
Waxaa uu sheegay in mudaaharaadyada ay khatar gelinayaan xasilloonida qaranka.
Dibadbaxyada oo ku billowday in da’yarta ay muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ayaa isku beddelay kuwo madaxweynaha dalka William Ruto looga dalbanaya inuu xafiiska banneeyo.
Maxamad Cali ayaa hoosta ka xarriiqay in mudaaharaadyada ay saameyn ba’an ku leeyihiin dhaqaalaha.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in waddamo badan oo ay ka mid yihiin Suudaanta Koonfureed, Suudaan , Soomaaliya iyo Rwanda ay wanaagsanayeen balse ay xasilloonidooda saameeyeen dhallinyaro adeegsanaya siyaasad iyo qabyaalad.
Xildhibaanka Nyali ayaa xusay in dibadbaxyada hadda socdo ay ka dambeeyeen shakhsiyaad uunan magacaabin oo sida uu hadalka u dhigay dano gaar ah leh.
Waxaa uu xusay in hadda aan laga soo horjeedin hindise sharciyeedka maaliyadda balse xaaladda taagan looga faa’iidaysanaya in khalkhal la geliyo degganaanshaha waddanka.
Maxamad Cali ayaa dhallinyarada ku boorriyay in ay madaxweyne William Ruto fursad u siiyaan inuu u adeego oo ay sanadka 2027-da soo doortaan qofka ay doonayaan.
Xilli uu arrimahan ka hadlayay ayuu xildhibaanka deegaanka Nyali ee ismaamulka Mombasa Maxamad Cali oo sidoo kale baaq u diray warbaahinta yidhi.