India oo tallaalka COVID19 siinaysa 800 oo milyan oo qof

0
650

Dowladda dalka India ayaa qorsheynaysa in ay cudurka COVID19 ka tallaasho 800 milyan oo qof.
Dadkan ayay da’doodu tahay 18 sano iyo wixii ka sarreeya.
Wasaaradda caafimaadka ee India ayaa sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay xakameynta faafidda caabuqa corona.
Shalay ayay ahayd markii gudaha wadankaas laga diiwaangeliyay in ka badan 400,000 oo ah xaaladaha cusub ee cudur sidaha tani oo tirada guud ka dhigtay 19.1 milyan.