Ugu yaraan 2 qof oo lagu dilay Qaza

0
331

In ka badan labo qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar bambooyin loo adeegsaday oo ay ciidamada militariga ee Israa’iil ku qaadeen guri ku yaalla magaalada Qaza.
Dhacdadan oo laga soo tabiyay bartamaha Qaza ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo kale sida ay ku warramaysa warbaahinta maxalliga ee dalka Falastiin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay jiraan dad weli la la’yahay oo la rumeysan yahay inay ku hoos xanniban yihiin burburka guriga lagu duqeeyay aagga Sabra ee Qaza.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 37,718 qof halka la dhaawacay 86,377 kale.