Booliiska oo xiray waddooyinka loo maro xarunta madaxtooyada

0
269

Ciidamada ammaanka ayaa xiray waddooyinka loo maro xarunta madaxtooyada ee dalka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale la howlgeliyay ciidamo dheeraad ah oo waaxyo kala duwan ka tirsan.
Tani ayaa timid ka dib markii dhallinyarada ka soo horjeeda hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ay sheegeen in ay qorsheynayaan in ay maanta tagaan madaxtooyada si ay u muujiyaan in aynan ku qanacsanayn maamulka madaxweyne William Ruto.
Shalay ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka shaaciyay in dowladdu ay meesha ka saartay hindise sharciyeedkii maaliyadda ee dibadbaxyada sababay .
Waxaa uu dhallinyarada ku boorriyay in ay fursad siiyaan wada hadal looga gudbaya xaaladda taagan.