Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetangula ayaa hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichung’wah faray inuu taliyaha guud ee ciidanka booliiska waddanka Japhet Koome kala hadlo maqnaanshaha mid ka mid ah shaqaalaha baarlamaanka oo lagu magacaabo Gabriel Oguda.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Opiyo Wandayi uu saaka walaac ka muujiyay in abaare 2:20 habeenimo ee xalay dad aan haybtoodu la garan ay afduubteen Oguda oo ka mid ah howlwadeennada xafiiskiisa.
Wetangula ayaa Kimani Ichung’wah ku amray inuu baarlamaanka labo saacadood gudahooda u soo gudbiyo warbixin ku saabsan afduubka loo gaystay Oguda iyo shakhsiyaadka kale ee u ololeeya arrimaha bulshada.
Dhanka kale, madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee aqalka sare ahna senatarka ismaamulka Kilifi Stewart Madzayo oo warbaahinta u akhriyay magacyada qaar ka mid ah dhallinyarada la la’yahay ayaa dalbaday in dhacdooyinkan la soo afjaro.
Waxaa uu sidoo kale maamulka talada waddanka haya ee Kenya Kwanza iyo baarlamaanka dalka ugu baaqay in ay gebi ahaanba meesha ka saaraan hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee ay kenyaanka si wayn uga dibadbaxayaan.