Iyadoo ay siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya maamulka madaxweyne William Ruto ay horay ugu dhaliileen qorshaha dhallinyarada kenyaanka ah loogu raadinaya fursadaha shaqo ee dibadda ayaa waxaa arrinkan ka jawaabay afhayeenka dowladda sare Issac Mwaura.
Waxaa uu tilmaamay in tani ay dani ugu jirto qaranka marka la eego lacagaha ay qoysaskooda u sii diraan qurbajoogta iyo faa’iidooyinka laga dhaxlay.
Mwaura ayaa carrabka ku adkeeyay in lacagahan ay sanadkii 2023-kii ahaayeen 624 bilyan oo shilin tani oo si dadban u kaabeysa kobaca dhaqaalaha dalka.