DHAGEYSO:Shacabka ismaamulka Mandera oo soo dhaweeyay in la qaaday xayiraad saarnayd 5 ismaamul

0
403

Dadweynaha ku nool ismaamulka Mandera ee gobolka waqooyi bari ayaa soo dhaweeyay go’aankii uu shalay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta meesha kaga saaray xayiraad dhanka isiku socodka ah oo lagu soo rogay caasimadda dalka iyo afar dowlad deegaan oo kale ka dib markii ay ku kordheen xaaladaha caabuqa corona.
Xayiraadda ayaa ahayd in aan la soo geli karin sidoo kalena laga bixi karin ismaamulladan tani oo hakisay isku socodkii Nairobi iyo dowlad deegaannada kale ee ay Mandera ka mid tahay .
Maxamad Maxamad Sheekh Lafagari ayaa faahfaahinta qodobkan noo soo diray

Waxaa sidoo kale dib u eegista uu madaxweynaha wadanka ku sameeyay qaar ka mid ah xeerarka ka dhanka ah cudurka COVID19 soo dhaweeyay barasaab ku xigeenka Nairobi ahna sii hayaha xilka guddoomiyaha caasimadda Ann Kananu Mwenda iyo guddoomiyaha Baringo Stanley Kiptis .
Mas’uuliyiinta ayaa shacabka ugu baaqay in ay si shakhsi ah uga taxadaraan cudurka oo ayna mas’uuliyad iska saaraan u hoggaansanka amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagula tacaalaya.