Musuqmaasuq saameeyay imtixaannada India

0
455

Waxaa cabsi laga qabaa in ay saameyn soo gaarto ugu yaraan 3 milyan oo ka mid ah ardayda waddanka India.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu musuqmaasuqa hareeyay maareynta imtixaanka ay u fadhiistaan ardayda doonaya in ay bartaan culuunta caafimaadka iyo cilmi baarista.
Wakaaladda qaran ee imtixaanaadka ee India (NTA) oo hoos tagto wasaaradda waxbarashada ee dalkaasi ayaa imtixaannadan qaadda.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in warqadaha imtixaanaadka xilli hore loo dusiyay qaar ka mid ah ardayda.
Imtixaankan oo loo yaqaano (NEET) ayaa la sameeyay bishii hore.
Hasa ahaate, natiijadiisa oo la shaaciyay 4-tii bishan ayaa lagu ogaaday in ay qaladaad iyo wax isdaba marinno jireen.
Waxaa dibadbax arrinkan ka dhan ah sameeyay arday badan oo cadaalad dalbanaya maadaama aynan ku qancin natiijada imtixaanka.