DHAGEYSO:Shacabka Kisumu oo dhigay dibadbax ka dhan ah hindise sharciyeedka maaliyadda

0
390

Dadweynaha ismaamulka Kisumu ayaa maanta sameeyay bannaanbax ay uga soo horjeedaan hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Mudaaharaadka ayaa ka dhacay Kondele oo ka tirsan dowlad deegaankaasi.
Dibadbaxayaasha ayaa sheegay in ay horay laamaha ammaanka ugu wargeliyeen qorshahooda sidaasi awgeedna ay ka codsanayaan in ay amniga sugaan.
Dhallinyarada ka qayb qaatay dibadbaxyada ka dhacay Kisumu ayaa warbaahinta u sheegay in tallaabooyinka ay adeegsanayaan ay ka mid tahay in ay si nabad ah mudaaharaad u sameeyaan iyagoo muujinaya tabashooyinkooda balse aan wax rabshad ah gaysan.
Waxay madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqeen in maamulkiisa uu meesha ka saaro qorshaha maaliyadeed ee baarlamaanka hor yaalla oo ay ku tilmaameen mid dhaqangelintiisa ay ku keenaysa culeysyo nololeed oo dheeraad ah.

Mudaaharaadyada ka dhanka ah hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ayaa sidoo kale maanta ka qabsoomay ismaamullada Nairobi, Meru, Mombasa iyo Uasin Gishu.