DHAGEYSO:Xildhibaannada baarlamaanka oo billaabay in ay ka doodaan hindise sharciyeedka maaliyadda

0
496

Xubnaha golaha qaran ee xeer dejinta ayaa maanta billaabay in ay ka doodaan hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Waxay ka aragti dhiibanayaan macluumaadka hindisaha ku xusan iyo soo jeedinnada guddiga arrimaha maaliyadda iyo qorsheynya dhaqaalaha qaranka oo shalay shaaciyay in meesha laga saaray canshuur ay kenyaanka ka soo horjeesteen.
Guddoomiyaha guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha Kuria Kimani ayaa dhankiisa kenyaanka uga mahadceliyay in ay soo gudbiyeen afkaartooda ku aaddan arrinkan.
Kimani iyo siyaasiyiinta kale ee isbeheysiga talada waddanka haya ee Kenya Kwanza oo uu ka mid yahay Sylvanus Osoro ayaa hoosta ka xarriiqay in qorshahan uu yahay mid ay dalka dani ugu jirto maadaama ay dowladdu ku helaysa dakhli dheeraad ah oo lagu bixin karo daymaha sidoo kalena lagu maalgelinaya mashaariicda horumarineed.
Kuria ayaa xusay in qorshuhu uu yahay in dhaqangelinta hindise sharciyeedkan lagu helo 346 bilyan oo ka mid ah miisaaniyad sanadkeedka 2024-2025-ka oo dhan 3.9 Tiriliyoon oo shilin.
Hasa ahaate, xubnaha baarlamaanka ee ka tirsan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ayaa ku adkeysanaya in dowladdu ay culeys dheeraad ah saareysa muwaadiniinta.
Waxay su’aallo geliyeen sababta ay wasaaradda maaliyadda ee dalka u soo saartay hindise sharciyeedkan iyadoo weli la dareemaya saameynta ka dhalatay dhaqangelinta xeerkii maaliyadda ee sanadkii hore.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Mombasa Zamzam Maxamad ayaa si adag uga hadashay hindise sharciyeedka baarlamaanka hor yaalla.
Waxay xildhibaannada kula talisay in ay aad uga fiirsadaan meel marinta hindise sharciyeedka maaliyadda oo ay ku baraarugaan saameynta uu go’aankooda ku yeelan kara mustaqbalka jiilasha soo koraya.