Ismaamulka Nairobi oo wado qorsho lagu ballaarinaya qubuuraha Langata

0
550

Dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa sheegtay inuu jiro qorsho lagu ballaarinaya xabaalaha Langata.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday kulanka golaha wasiirrada ee dowlad deegaanka Nairobi oo uu shir guddoominayay barasaabka caasimadda dalka Johnson Sakaja.
Waxaa halkaasi lagu sameyn doonaa dayactir ballaaran oo ay ka mid tahay xayndaab iyo wanaajinta jidadka dhex maro xabaalaha.
Sidoo kale , iyadoo la kaashanaya adeegga kaymaha ee dalka ee KFS ayaa waxaa mashruucan qayb ka ah in la helo dhul dheeraad ah oo loogu talagalay in lagu aaso meydadka.
Bayaanka golaha wasiirrada ee Nairobi waxaa ku xusan in lagu dadaalaya helidda 56 eekar oo dheeri ah.