DHAGEYSO:Shacabka Bungoma oo dhigay dibadbax ka dhan ah hindise sharciyeedka maaliyadda

0
390

Dadweynaha ismaamulka Bungoma ee galbeedka waddanka ayaa sameeyay dibadbax ay uga soo horjeedaan in xildhibaannada baarlamaanka ay meel mariyaan hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Waxay baaq u direen siyaasiyiinta ay soo doorteen iyagoo xusay in ansixinta hindise sharciyeedka maaliyadda ay u horseedi doonto culeysyo nololeed oo dheeraad ah.
Shacabka ayaa hoosta ka xarriiqay in marka ay siyaasiyiinta kula kulmaan deegaannadooda ay u sheegaan in ay ka soo horjeedsan doonaan xeerarka aysan dadweynaha dani ugu jirin balse xilliga codeynta ay mowqif kale qaataan.