Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa gacanta ku dhigay 11 ka mid ah howlwadeennada dowladda hoose ee ismaamulka Vihiga.
Waxay ku eedeysan yihiin fal lagu lunsaday ugu yaraan 17 milyan oo shilin oo loogu talagalay dhisidda qaybta dhiig bixinra ee ismaamulkaasi.
EACC ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in shakhsiyaadka la xiray ay ka mid yihiin sarkaalka sare ee waaxda adeegyada caafimaadka ee Vihiga Dr. Arnold Kimiyia Mamadi iyo agaasimaha qandaraasyada Godfrey Oyaro.
Waxaa uu qorshuhu yahay in tuhmanayaasha maanta maxkamadda la soo taago si ay uga jawaabaan eedeymaha loo jeediyay.