Dowladda oo xoojinaysa dagaalka ka dhanka ah daawooyinka kontarabaanka ah

0
172

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay sare u qaadidda dagaalka ka dhanka ah daawooyinka sharci darrada ah.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxweyne ku xigeenka wadanka Rigathi Gachagua.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in lagu dadaalaya sidii dalka looga cirib tiri lahaa daawooyinka kontarabaanka ee lagu iibiyo meelaha aan sharciyeysnayn kuwaasi oo uu isticmaalkooda wax u dhimaya kenyaanka.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa tilmaamay in saraakiisha ammaanka ay si dhow ula shaqeyn doonaan ururka farmashiyada ee dalka iyo maamullada kale si loo aqoonsado oo tallaabo sharciyeed looga qaado sida uu hadalka u dhigay dambiilayaasha ay u furan yihiin goobaha aan rasmiga ahayn ee daawooyinka lagu iibiyo.
Mr. Gachagua ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu shirweyne ka furay ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta.
Waxaa uu dhanka kale khuburrada ku takhasusay daawooyinka kula taliyay in ay mas’uuliyad iska saaraan sidii ay ula tacaali lahaayeen shakhsiyaadka dhaawacaya sumcadooda ee dadweynaha ka iibinaya daawooyin faalis ah.