Waxaa uu qorshuhu yahay in abaare 3-da galabnimo ee maanta uu wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka Prof. Njuguna Ndung’u uu baarlamaanka la wadaago faahfaahinta miisaaniyad sanadeedka 2024/2025-ka.
Waxaa uu soo bandhigi doonaa miisaaniyad uu qiimaheedu yahay 4 Tiriloyoon oo shilin.
Macluumaadka wasaaradda maaliyadda ayaa muujinaya in dowladda sare loo qoondeeyay 2.24 Tiriloyoon oo shilin.
724.4 bilyan oo lacagtan ka mid ah ayaa lagu qarash gelin doonaa mashaariicda horumarineed.
Waaxda garsoorka ee dalka ayaa loogu talagalay 24.6 bilyan halka baarlamaanka loo qoondeeyay 44 bilyan.
Guddoomiyaha guddiga qoondeynta miisaaniyadda ee baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka deegaanka Kiharu ee ismaamulka Murang’a Ndindi Nyoro ayaa faahfaahin ka bixiyay miisaaniyadda maanta la soo bandhigaya iyo waaxyaha dhaqaalaha loo kordhiyay.
Dhanka kale, shacabka ismaamulka Nakuru ayaa dowladda ugu baaqay in ay xaqiijiso in lacagaha ay u qoondeynaysa laamaheeda kala duwan aan lagu tagriifalin.
Sidoo kale waxay xildhibaannada ku boorriyeen in marka ay ka doodayaan miisaaniyadda dhaqaale ay tixgeliyaan arrimaha si gaar ah u taabanaya nolosha kenyaanka.