Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa ka digay siyaasadda ku saleysan qabyaaladda.
Waxaa uu sharci darro ku tilmaamay qorshaha ku saleysan in miisaaniyadda deegaannada lagu saleeyo tirada codbixiyeyaasha.
Wasiirka ayaa xusay in mas’uul xil dowladda ka haya ay mamnuuc ka tahay inuu diiradda saaro siyaasadda ku saleysan qabyaaladda.
Kindikii ayaa sidoo kale ka digay siyaasadda heer gobol ku saleysan si aan wadanka loo kala qaybin.
Wasiir Kindiki ayaa tilmaamay in odayaasha iyo waxgararka ay leeyihiin doorka midaynta bulshada wada nool.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday, in madaxweynaha dalka iyo ku xigeenkiisa ay waajib dastuuri ah ka saaran tahay in ay horseed ka noqdaan mideynta qaranka.
Home Wararka Kenya Kindiki oo sharci darro ku tilmaamay qorshaha ku saleysan in miisaaniyadda lagu...