DHAGEYSO:Booliska oo aan loo ogolaan doonin in ay is guursadaan

0
813

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaran Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in laga billaabo bisha toddobaad ee sanadkan aan la ogolaan doonin in saraakiisha sar sare ee ka tirsan booliska dalka ay wax xiriir ama wada shekeysi ku saleysan guur la yeeshaan ciidamada haweenka ee haya xilalka dhanka amniga.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nyeri gaar ahaan dugsiga tababarka ciidamada booliska ee Kiganjo ayuu wasiirku sheegay in xiriirka nololeed ee ka dhexeya booliska uu sababay tacaddi badan oo loo baahan yahay in xal loo helo
Waxaa uu sidoo kale xusay in tani ay saameynayso anshaxa iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa saraakiisha aan isku jinsiga ahayn