Waxaa lagu soo warramayaa in ilaa 100 ruux ay ku dhinteen weerar ay saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF ay ku qaadeen tuulo ku taalla Bartamaha wadanka Suudaan.
Kooxda maxalliga ee u ololeysa arrimaha dimuqraadiyadda ee Wad Madani Resistance Committee ayaa sidatan laga soo xigtay.
Waxay sheegtay in RSF oo militariga Suudaan dagaal kula jirtay in ka badan hal sano ay weerartay tuulada Wad al-Noura ee gobolka Gezira .
Sidoo kale waxay kooxdan ku eedeysay in ay hanti bililiqeysatay oo ay haween iyo carruur gaysay magaalada tuuladaasi u dhow ee Managil.
Waxay halkaasi ku garaaceen hub culus iyadoo ay wararku sheegayaan in ciidamada qalabka sida ee dalka Suudaan aynan ka falcelin codsi caawimaad ah oo loo gudbiyay.
Kooxda RSF ayaa dhankeeda sheegtay in ay weerartay saldhigyada militariga iyo fariisimaha maleeshiyaadka gacansaarka la leh ee agagaarka tuulada Wad al-Noura.
Hasa ahaate, ma aynan qiran in ay waxyeello gaartay dad rayid ah.
Golaha madaxa bannaan ee ku meel-gaarka ah ee Suudaan ayaa cambaareeyay weerarka dhacay.