Jordan oo cambaareysay howlgal laga fuliyay barxadda masjidka Al-Aqsa

0
420

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Jordan ayaa cambaareysay howlgal ay Israa’iil ka fulisay barxadda masjidka Al-Aqsa ee Falastiin.
Wasaaradda ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X waxay Israa’iil ugu baaqday in ay ilaaliso muqadasnimada masjidka Aqsa.
Tani ayaa timid ka dib markii la soo tabiyay in galinkii hore ee maanta ay boqolaal Israa’iiliyiin ah halkaasi gudaha u galeen.
Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda ee Jordan ayaa cambaareysay xannibaadda dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Bariga Quddus ee la haysta.