1.25 bilyan oo loo qoondeeyay soo iibinta tallaalka carruurta

0
361

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa lacag dhan 1.25 bilyan oo shilin u qoondeysay in lagu soo iibiyo daawooyinka tallaalka ee carruurta.
Tani ayaa timid ka dib markii qaybo badan oo wadanka ka mid ah laga dareemay gaabad arrinkan la xiriira gaar ahaan tallaalka ka dhanka ah dabeysha iyo jadeecada.
Xoghayaha waaxda adeegyada caafimaadka ee dalka Harry Kimtai ayaa caqabadii jirtay u aaneeyay dhaqaale yari iyo in laga dib dhacay bixinta lacago daawooyin lagu soo iibiyay.
Waxaa uu sheegay in hadda la soo iibiyay ugu yaraan 8 milyan oo ah daawooyinka tallaalka sidaasi awgeedna uu waalidiinta ku boorrinaya in ay carruurtooda geeyaan xarumaha caafimaadka si loo tallaalo.
Bishii Afaraad ee sanadkan ayay ahayd markii la tallaalay ilaa 15,000 oo carruur ah.