Mas’uuliyiinta waaxda mootooyinka ee ismaamulka Mombasa oo kaashanaya ururro iyo hay’ado kale ayaa wacyigelin u sameeyay wadayaasha dhugdhugleyda .
Wacyigelinta oo lagu qabtay Kongowea ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay Mombasa ku kordheen shilalka mootooyinka iyo falalka dhaca ah ee lagu bartilmaameedsado waaxdan.
Guddoomiyaha ururka mootooleyda ee Mombasa Samuel Ogutu ayaa warbaahinta u warramay.