DHAGEYSO:Barasaabka Mombasa: Waxaan diyaar u ahay inaan geeriyoodo anigoo taagan halkii aan u noolaan lahaa anigoo cid u dulleysan

0
407

Guddoomiyaha ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa u mahadceliyay barasaabyada ismaamullada Kilifi iyo Taita Taveta ee iyagana mamnuucay ka ganacsiga iyo isticmaalka qaadka Mogokaa isagoo xusay inuu barasaabyada Waqooyi Bari kala hadli doono sidii ay u qaadi lahaayeen tallaabo tani la mid ah.
Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa sheegay in markii uu saxiixayay amarka fulinta ee uu ku mamnuucay Mogokaa in lagu wargeliyay inuu qaadanaya go’aan siyaasad ahaan ka takhalusi karo.
Balse waxaa uu carrabka ku adkeeyay in uu diyaar u yahay inuu geeriyoodo isagoo taagan halkii uu noolaan lahaa isagoo cid u dulleysan.