Dowladda dalka Qatar ayaa cambaareysay tallaabada ay Israa’iil hay’ad argagixiso ugu aqoonsatay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga dalka Falastiin ee (UNRWA) .
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar ayaa cambaareynta ku muujisay bayaan ay soo saartay.
Xukuumadda Dooxa ayaa beesha caalamka ugu baaqday in ay u istaagto sidii looga hor tagi lahaa qorshaha ay Israa’iil Falastiiniyiinta Marinka Qaza iyo Daanta Galbeed uga xannibaysa adeegyada lagama maarmaanka ah ee hay’adda UNRWA.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar ayaa sheegtay in ay taageero buuxda siinaysa UNRWA.
Toddobaadkii hore, ayay ahayd markii baarlamaanka Israa’iil uu ansixiyay mooshinka ku meel gaarka ah ee hindise sharciyeed UNRWA u aqoonsanaya hay’ad argagixiso.