DHAGEYSO:Xildhibaanka Dadaab oo dalbaday in la joojiyo dhacdooyinka sharci darrada ah ee afduubka shacabka

0
429

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Dadaab ee ismaamulka Garissa Faarax Macallin Maxamad ayaa dowladda dhexe ugu baaqay in ay ku dadaasho sidii loo soo afjari lahaa dhacdooyinka sharci darrada ah ee afduubka ee loo gaysto dadweynaha.
Waxaa uu madaxweynaha dalka William Ruto ku boorriyay inuu oofiyo ballanqaadkiisi ahaa in falalkan aynan gudaha wadanka ka dhici doonin.
Waxaa uu sheegay in ay jiraan dad laga afduubtay magaalada Liboi ee deegaanka Dadaab iyo Garissa.
Faarax Macallin ayaa madaxweynaha u soo jeediyay in uu dhibaatadan kala hadlo maamullada ammaanka si qofkii la qabto maxkamad loo soo taago haddii uu dembi sameeyay haddii kalena in xurriyadiisa uu dib u helo.