Dhexdhexaadiyaasha matalaya dalalka Qatar,Masar iyo Maraykanka ayaa Israa’iil iyo ururka Xamaas ku boorriyay in ay soo gabagabeeyaan wada hadallada ku aaddan in la gaaro heshiis xabbad joojin.
Waxay ku taliyeen in la tixgeliyo mabaadi’i uu dhawaan soo jeediyay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo sheegay in Xamaas ay diyaar u tahay in xabbad joojin ay ka dhaqangasho Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo kumanaan qof ay dibadbaxyo ka dhigeen Israa’iil.
Waxay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ugu baaqeen in uu heshiis la gaaro Xamaas oo la soo siidaayo maxaabiistii gacanta looga dhigay ee ku xiran Qaza.
Hasa ahaate, siyaasiyiinta qaar ayaa ku hanjabay in ay afgembin doonaan xukuumadiisa hadii uu la heshiiyo Xamaas.