Hay’adda MSF oo ku baaqday in qaxootiga lagala tashado xiritaanka xeryaha Dadaab iyo Kakuma

0
750

Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa dowladda Kenya ku boorrisay in qorshaheeda ay ku xirayso xeryaha Dadaab iyo Kakuma ay ka qayb geliso qaxootiga.
MSF ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in loo baahan yahay in qorshahan loo wajaho qaab ay baniaadanimo ku dheehan tahay.
Hay’adda ayaa intaa ku dartay in hadii wada tashi lala yeesho qaxootiga ka hor inta aan gebi ahaan la xirin xeryaha ay fududeyn karto in la ogaado waxyaabo badan oo dhanka nolosha ah.
MSF ayaa sheegtay in kasta oo ay taageerayso qorsho walbo oo lagu wanaajinaya nolosha qaxootiga haddana dhanka kale ay walaac ka muujinayso in aan qaxootiga la siin fursad codkoodu lagu maqlo.
Tani ayaa imaanaysa in iyadoo dowladda Kenya ay doonayso in xeryaha qaxootiga ee Dadaab iyo Kakuma albaabada la isugu dhufto ugu dambeyn 30-ka bisha lixaad ee sanadka 2022-ka.