Madaxweynaha dalka oo sheegay in safarkiisi Maraykanka ay ku baxday 10 milyan

0
378

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta mar kale difaacay qarashkii ku baxay diyaaradii khaaska ahayd ee uu dhawaan ku tagay Maraykanka.
Xilli uu khudbad ka jeedinayay maqaaxida Safari Park ee ismaamulka Nairobi oo lagu qabtay munaasabad qaran oo duco ah ayuu William Ruto sheegay in safarkaasi ay Kenya ku qarash gelisay 10 milyan oo shilin.
Waxaa uu beeniyay in isaga iyo wafdigiisi ay adeegsadeen 200 oo milyan oo shilin.
Hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in uunan ahayn qof dhimirka ka xanuunsan uuna fahansan yahay mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta raasimaalka qaranka.
Waxaa uu sheegay in ay qasab tahay inuu tusaale ku dayasho mudan u noqdo kenyaanka iyo mas’uuliyiinta dowladda ee uu hoggaamiyo maadaama uu maamulkiisa ku dadaalaya yareynta qarashaadka ku baxa howlaha kala duwan.