Xubnaha guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha gaashaandhigga , sirdoonka iyo xiriirka dibadda ayaa maanta kulan dadweyne ku qaban doono ismaamullada Samburu iyo Isiolo.
Guddigan ayaa baaritaano ku sameynaya eedeymo la xiriira xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul aadanaha oo loo jeediyay ciidamada militariga boqortooyada Ingiriiska qaybtooda qaabilsan tababarrada ee (BATUK) oo uu saldhigoodu yahay ismaamulka Laikipia.
Shalay ayay ahayd markii dadweynaha deegaanka Bariga Laikipia iyo magaalada Nanyuki ay soo bandhigeen tabashooyinkooda.
Dadka cadaaladda dalbanaya waxaa ka mid ah qoyska Agnes Wanjiru oo la sheegay in ciidamada BATUK ay dileen sanadkii 2012-kii.
Xildhibaanka deegaanka Belgut ahna guddoomiyaha guddiga difaaca ee baarlamaanka Nelson Koech iyo xildhibaanka deegaanka Bariga Laikipia Mwangi Kiunjuri ayaa sheegay in ay cadaalad heli doonto cid kasta oo ay dhibaato ka soo gaartay saraakiisha Ingiriiska ee tababarrada ku sameeya gudaha Kenya .
Koech ayaa xusay in ay qasab tahay in ciidamada ay u hoggaansamaan xeerarka wadanka u degsan oo ay ka mid tahay in aan lagu xadgudbin shacabka.