Turkiga oo ay caawa xayiraad ka dhaqan galayso

0
842

Waxaa la filayaa in abaare 7-da fiidnimo ee caawa dalka Turkiga ay ka dhaqan gasho xayiraad dhanka dhaqdhaqaaqa ah oo lagu xakameynaya faaidda cudurka COVID19
Xayiraaddan ayaa ah mid buuxda waxayna ku soo aadaysaa ka dib markii ay kordheen xaaladaha cudur sidaha corona ee dalkaas.
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in xayiraadda ay jiri doonto ilaa 17-ka bisha Shanaad ee sanadkan.
Turkiga oo ay ku nool yihiin 84 milyan oo qof ayay hal toddobaad gudihii cudurka ugu dhinteen 350 qof.
Tirada guud ee xaaladaha caabuqa corona ee Turkiga ayaa ah 4.75 milyan halka dhimashadu ay tahay 39,398.
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in ay khasab tahay in tirada maalinlaha ee fayraska corona laga dhigo wax ka yar 5000.