DHAGEYSO:Barasaabyada ismaamullada Lamu iyo Kwale oo loogu baaqay in ay mamnuucaan qaadka Mogokaa

0
443

Qaar ka mid ah shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha bulshada ee ismaamulka Kilifi ayaa soo dhaweeyay tallaabadii ay barasaabka dowlad deegaankaasi Gideon Mung’aro iyo dhigiisa Mombasa Cabdulswamad Shariif Naasir ku mamnuuceen in ismaamulladooda la soo geliyo, lagu dhex iibiyo ama lagu dhex isticmaalo nooca qaadka ee loo yaqaano Mogokaa.
Victor Kaudo iyo Famau Maxamad ayaa barasaabyada ismaamullada kale ee gobolka Xeebta sida Lamu, Kwale , Tana River iyo Taita Taveta ugu baaqay in iyagana ay mamnuucaan qaadkan iyagoo u daneynaya caafimaadka bulshada gaar ahaan dhallinyarada.

Waxaa sidoo kale tallaabooyinka ay qaadeen barasaabyada Mombasa iyo Kilifi soo dhaweysay wasiiradda jinsiyadda ee dalka Aisha Jumwa.

Dhanka kale , barasaab ku xigeenka ismaamulka Embu oo laga soo qaado qaadkan ,Kinyua Mugo ayaa sheegay in aynan jirin wax loo cuskan karo mamnuucidda Mogokaa wuxuuna wacad ku maray in ay maxkamadda gaynayaan dacwad ay ku hor istaagayaan dhaqangelinta go’aannada ay qaateen guddoomiyaasha qaar ka mid ah ismaamullada gobolka Xeebta ee dalka.
Garyaqaan sare Charles Kanjama ayaa dhankiisha barasaabyada Mombasa iyo Kilifi ku dhaliilay mamnuucidda qaadka Mogokaa wuxuuna sheegay in taasi ay tahay howl u taalla baarlamaanka qaranka.