Xamaas oo sheegtay in ay qabatay qaar ka mid ah militariga Israa’iil

0
248

Afhayeenka qaybta militariga ee ururka Xamaas ee dalka Falastiin oo loo yaqaano Qassam Brigades ,Abu Obeida ayaa sheegay in dagaalyahaannada Xamaas ay gacanta ku dhigeen dhowr ka mid ah ciidamada qalabka sida ee Israa’iil.
Waxaa uu xusay in qaar ka mid ah ciidamadan la dilay halka kuwo kalena ay dhaawac yihiin.
Falkan oo uunan shaacin tirada rasmiga ah ee ciidamada Israa’iil ee lagu waxyeelleyay ayaa ka dhacay xerada Qaxootiga ee Jabalia ee Waqooyiga Qaza.
Hasa ahaate, militariga Israa’iil ayaa beeniyay sheegashada Xamaas.