In ka badan 14 qof oo ku dhintay dab ka kacay dhisme ku yaalla caasimadda Vietnam

0
285

Ugu yaraan 14 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dab saameeyay dhisme ku yaalla caasimadda wadanka Vietnam ee Hanoi.
Warbaahinta maxalliga ee wadankaasi ayaa ku warramaysa in ay dhaawacmeen saddex qof oo kale.
Dabka ayaa ka kacay dhismaha oo ka kooban shan dabaq kaasi oo ku yaalla degmada Cau Giay abaare 12:30 habeenimo ee xalay.
Wasaaradda badqabka dadweynaha ee dalka Vietnam ayaa laga soo xigtay in saraakiisha waaxda dab damiska ay soo samata bixiyeen ilaa 7 qof.
Maamullada dalkaasi ayaa billaabay baaritaano ku aaddan dabka ay saameynta ka dhalatay iyadoo aan weli la aqoonsan dhibbanayaasha.
Dhacdooyinka dababka ayaa ku badan meelaha aadka loo deggan yahay ee magaalooyinka waawayn ee wadanka Vietnam.