Maraykanka oo u xushay Kenya inay noqoto albaabka ay ka soo galaan qaaradda Afrika

0
263

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay inay Kenya u xusheen ka mid noqoshada dalkii ugu horreeyey ee ku yaalla waddamada qaaradda Afrika ee saxaraha ka hooseeya, kaas oo noqonaya xulafada muhiimka ah ee ugu dhow, marka laga soo taga dalalka xubnaha ka ah isbeheysiga gaashaanbuurta NATO ama non-NATO member US Ally.
Kenya ayaa fursad u heli doonta inay hesho galaangal taageero ee dhanka milateriga ah iyo mid dhaqaale oo la mid ah kan ay haystaan xubnaha isbeheysiga NATO.
Hase ahaatee, kama mid noqon karaan heshiiska difaaca ee uu ku dhisan yahay isbeheysiga gaashaanbuurta NATO, kaasoo isku haya dalalka xubnaha ka ah isbeheysigaasi.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa la filayaa in golaha Congresska ee wadankaasi uu arrintan u gudbiyo, taasoo laga yaabo inay qaadato ilaa 30 cisho, si ay u hirgasho.