Raila oo u ambabaxay Ingiriiska

0
418

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa u ambabaxay safar uu ku tagaya boqortooyada Ingiriiska.
Waxaa sidatan warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenkiisa, Dennis Onyango.
Mr. Odinga ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo jaamacadda Oxford oo lagu casuumay.
Bayaanka Mr. Onyango waxaa ku cad in Raila uu khudbadiisa kaga hadli doono ka shaqeynta mustaqbalka Afrika .
Waxaa uu diiradda saari doonaa marxaladaha adkeysiga ee ay Afrika soo martay isagoo ku saleynaya waaya aragnimadiisa dhanka u adeegidda shacabka iyo u ololeynta isbeddellada muhiimka ah.
Qodobbada uu khudbadiisa ku soo qaadan doono waxaa ka mid ah xasilloonida siyaasadeed, kobcinta dhaqaalaha , sinnaanta , dimuqraadiyadda iyo wadajirka bulshada.
Raila Odinga ayaa sidoo kale soo hadal qaadi doono ololihiisa ku aaddan qabashada xilka guddoomiyaha Midowga Afrika.
Waxaa Raila safarkiisa ku wehelinaya Prof. Makau Mutua , senatarka Nairobi ahna xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna iyo xildhibaanka deegaanka Nyando Jared Okello.
Raila Odinga ayaa ballan qaaday in haddi uu ku guulaysto hoggaaminta Midowga Afrika inuu ka shaqeyn doono sidii la isugu furi lahaa isku socodka dadweynaha iyo kala gudbinta badeecooyinka Afrika si xor ah oo aan xannibaad lahayn.