Shiinaha oo dhoollatus militari ka billaabay agagaarka Taiwan

0
435

Dowladda Shiinaha ayaa dhoollatus militari oo labo cishe ah ka billowday hareeraha jasiiradda Taiwan.
Waxaa dhoollatuska laga sameynaya biyaha iyo hawada sare sida ay tabinaysa warbaahinta maxalliga ee xukuumadda Beijing.
Wakaaladda wararka ee dowladda Shiinaha ee Xinhua ayaa ku warramaysa in dhaqdhaqaaqyada militari ay ka socdaan dhanka Waqooyi, Koonfurta iyo Bariga Taiwan.
Jasiiraddan ayaa waxaa ka jiro maamul madax bannaan balse Shiinaha ayaa sheegta in ay Taiwan ka mid tahay dhulwaynihiisa.